Guddiga doorashada madaxtinimada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay liiska dadka u tartamaya doorashada Madaxweynaha, kadib markii ay gabagabeeyeen qabashada araajida.

Guddigu waxa ay sheegeen in muddo hal saac ah ay ugu dareen xubnaha araajida soo celinayay.

Waxa ay sheegeen in ay si rasmi ah u soo buuxiyeen shuruudihii madaxtinimada Soomaaliya 25 xubnood, kuwaasi oo u tartami doona doorashada Madaxweynaha ee dhici doonta 10-ka bisha Sebtember. Magacyada xubnaha waxa ay kala yihiin:

1. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyoow

2. Cabdiwaaxid Cilmi Cumar Goonjeex

3. Cadbullaahi Axmed Caddoow

4. Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas 

5. Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo 

6. Axmed Ismaaciil Samatar 

7. Xasan Shiikh Maxamuud 

8. Shariif Shiikh Axmed 

9. Yusuf Garaad Cumar 

10. Cumar Salaad Cilmi 

11. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi 

12. Bashiir Nuur Xasan 

13. Xaaji Maxamed Ismaaciil Yaasiin

14. Cabdulqaadir Cosoble Cali 

15. Cabdiraxmaan CabdiShakuur Warsame 

16. Xuseen Khaliif Jaamac 

17. Maxamed Axmed Saalax 

18. Salaad Cali Jeelle 

19. Ibraahim Cali Xuseen 

20. Saciid Ciise Maxamuud 

21. Cismaan Maxamed Gacal 

22. Maxamed Cabdullaahi Oomaar 

23. Maxamed Cabdiweli Shiikh Yusuf 

24. Maslax Maxamed Siyaad Bare 

25. Sakariye Xaaji Maxamuud Cabdi

Shuruudaha laga doonayay dadka u tartamaya xilka madaxtinimada ayaa kala ahaa:

  • Inuu Soomaali yahay.
  • Inuu caafimaad qabo.
  • Inuu afartan sano ka weyn yahay.
  • In xukun danbi maxkamadeed aanu lahayn.
  • In codsiga madaxtinimada uu soo gudbiyo.
  • Inuu ku soo lifaaqo 10 kun oo Dollar oo diiwaan gelin ah.
  • Inuu soo gudbiyo barnaamijkiisa siyaasadeed.
  • Inuu heysto warqadda aqoonsiga in uu Soomaali yahay ama baasaboor Soomaali ah.
  • In labaatan xildhibaan ay u soo saxiixaan in uu musharax yahay qofka tartamaya.
  • In halkii xildhibaan uu u saxiixi karo saddex murashax oo keliya.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in la qabto 10 bishan Sebtember.

Xigasho: BBC Somali