Murashax Xildhibaan – Cabaas Maxamed Axmed

Wuxuu ku dhashay waxna ku bartay magaalada Muqdisho. Waa indheergarad Aqoonyahan ah, ka soo jeeda qoys diinta lagu yaqaan, waa nin dhallinyaro ah aad u jecel iskaashiga iyo horumarka, wuxuu waqtigiisa intiisa badan ku bixiyaa sidii dhallinyarada beeshiisa ay isku kaashan lahaayeen, waxna u la  qaybsan lahaayeen bulsho weynta Soomaaliyeed.

Waa nin aragti dheer oo waxgaradka iyo odayaasha beesha kala shaqeeya sidii looga wada shaqayn lahaa horumarinta Beesha.

Hadafkiisu ugu weyn waa in guud ahaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed u gaari lahaa horumar iyo barwaaqo, iyadoo loo marayo caddaalad iyo u sinnaan xuquuqaha asaasiga ah ee muwaadinka Soomaaliyeed.

Sanadkaan waa markii ugu horreysay ee uu isu soo sharaxo kursiga Xildhibaan ee tirsigiisu yahay HOP# 266