Murashax Xildhibaan –  Cali Maxamed Maxamuud (Joqombe)

 

Murashax Xildhibaan Cali Maxamed Maxamuud (joqombe),  wuxuu ku dhashay deegaanka Gidheys, ee ka tirsan Degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud, sanadkii  1965, waxbarashadiisii Hoose/Dhexe ku soo qaatay Gobolka Galgaduud.

Waxbarashadiisa Jaamacadeed wuxuu inta badan ku soo qaatay dalka Kenya, wuxuu haystaa  shahaadooyinka kala ah:-

  • Diploma in Business bookkeeping and Accounts: (2001-2002). Cambridge Int Colleage.
  • Diploma in Project planning and Management (Jan-Dec. 2013) Mount Kenya University (MKU)
  • Diploma in Community Development & Social Work (Jan-Dec) 2014. Mount Kenya University (MKU)
  • Bachelor of Development Studies: (2015-2017). MKU

Waa aqoonyahan, siyaasi,  waayo arag ah muddo ka soo dhex shaqeeyay ha’aydaha samafalka, wuxuuna howlo samafal oo kala duwan ka soo qabtay Gobolka Galguduud, sidoo kale wuxuu la soo shaqeeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, isagoo La taliye xagga doorashada ah ka soo noqday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee DF (2016-2017), ka dibna wuxuu Wasaaradda ka noqday Agaasime Guud intii u dhaxeysay (Feb 2018 – Dec 2018).

Wuxuu u taagan yahay Kursiga tirsigiisu yahay HOP# 248, oo deegaan doorashadiisu tahay GalMudug .