Murashax Xildhibaan – Da’uud Maxamed Cumar

Da’uud Maxamed Cumar waa xildhibaan ka tirsan barlamaanka 10-aad ee Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya ee 2017-2020.

Da’uud waxa uu ka mid yahay mudaneyaasha doorashadii 2016 laga soo doortay Dowlad Goboleedka Puntland waana markii ugu horreysay oo uu ka mid noqdo Golaha Shacabka.

Mudanaha waxa uu ku dhashay dalka Yemen sanadkii 1962-kii, halkaas oo ay muddo qoyskiisa ku noolaayeen.

Heerka waxbarasho ee xildhibaanka waa heerka labaad ee Jaamacadda (Master Degree) oo uu Jaamacadda Khartoum uga baxay takhasusta culuumta Sayniska, gaar ahaan Biology iyo Chemistry.

Da’uud Maxaed Cumar, ka hor inta uusan ku soo biirin baarlamaanka 10-aad waxa uu xukuumaddii labaad ee mudadii Madaxweyne Xassan Shikeh Maxamuud ahaa Wasiirka Macdanta iyo Batroolka.

Xildhibaanka waxa uu sidoo kale soo noqday Wasiirka Qorsheynta ee Dowlad Gobolleedka Puntland kaddib sanado badan oo uu hay’adda NRC ka shaqeynayey iyo waxbarashada Gobolka Sool.