Musharax Xildhibaan – Dr. Xuseen Cabdi Cilmi

Dr. Xuseen Cabdi Cilmi, waa aqoonyahan sharci yaqaan ah haysta shahaadada PHD, wuxuu wax ku soo bartay Dalalka Suudaan iyo Masar, wuxuu ku takhasusay Qaanuunka Caalamiga, wuxuu soo noqday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, wuxuu La-Taliye u soo noqday labo Ra’iisul Wasaare, Wuxuu qoray Dastuurada Galmudug iyo Hirshabelle 2016 ilaa hadda waa Xildhibaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka Soomaliya, muddo seddax  sano iyo bar ah ayuu hayay xilka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.