Murashax Xildhibaan – Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri)

Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) waa mudane ka tirsan Golaha Shacabka ee baarlamaanka 10-aad ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.

Mudanaha oo ku dhashay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa isla deegaankaas ku qaatay tacliintiisa hoose/dhexe iyo sare.

Waxbarashada darajada kowaad iyo labaad ee Jaamacadda waxa uu xildhibaanka ka diyaariyey dalka Pakistan oo uu ka bartay sharciga.

Mudane Jaabiiri ka hor inta uusan ka mid noqon Golaha Shacabka sanadkii doorashadii 2016, waxa uu la taliye sare ka ahaa Wasaaradda Waxbarashada ee Dowlad Goboleedka Puntland.