Murashax Xildhibaan – Maxamuud Xayir Ibraahim

Maxamuud Xayir Ibraahim waa mudane ka tirsan barlamaanka 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kaas oo sidoo kale ah Wasiiru Dowlaha Maaliyadda ee Xukuumadda Federalka.

Maxamuud Xayir waxa uu Baarlamaanka markii ugu horreysay ku soo biiray 2012, xilligaas oo uu ka mid noqday barlamaankii 9-aad oo noqday kii ugu horreeyey kaddib markii ay dowladda Soomaaliya ka baxday ku-meel-gaarnimadii.

Mudane Xayir waxaa loo magacaabay Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda xilliguu xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Kahor inta uusan siyaasadda Federalka u soo digo-rogan, Maxamuud Xayir waxa uu ahaa Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Puntland, xilligaas oo uu iska casilay 2012.

Heerka waxbarasho ee Maxamuud Xayir waa shahaadada heerka labaad ee Jaamacadda taas oo uu ka qaatay Jaamacadda Preston ee  dalka Pakistan.