Nagu Saabsan

Nagu Saabsan

Soomaaliya waxaa ka jira nidaam dimoqraadiyadeed oo curdun ah (fragile democratic system), kaas oo u muuqda inuu si tartiib ah uga hana-qaadayo dalka oo dhan. Waxaa muuqata in heshiis lagu yahay in la qabto doorashooyinka xildhibaannada heer dawlad-goboleed iyo heer federal, doorashada guddoonka baarlamaannada heerarka kala duwan iyo doorashada madaxweynaha. Waxaa sidoo kale beryahan soo kordhaya doorashada goleyaasha deegaan iyo duqa magaalooyinka, taas oo hoos u dhaadhicineysa nidaamka dimoqraadiga ah. Dhiirri-gelinta nidaam doorasho oo dimoqraadi ah wuxuu aasaas u yahay nabadda iyo horumarka maadaama uu meesha ka saarayo in awoodda lagu raadiyo qoriga caaraddiisa, isla markaana lagu tartamo waxqabad iyo barnaamij horumarineed.

Waxaa jira hay’ado kala duwan oo siyaabo kala duwan uga shaqeeya sidii loo caawin lahaa doorashooyinka heerarka kala duwan. Hase yeeshee, waxaa maqan in la helo barnaamij wacyi-gelineed iyo bar kulmisa oo laga wada heli karo dhammaan macluumaadka ku saabsan doorashooyinka heerarka kala duwan. Waxay arrintan muhiim u tahay:

 

  • In dadweynuhu ogaadaan noocyada doorashooyinka ka socda deegaankooda; murashaxiiinta; barnaamijyada ay ku tartamayaan; iyo natiijada;
  • In murashixiintu ogaadaan macluumaadka doorashada ay u tartamayaan; dadka la tartamaya;
  • In Hay’adaha iyo dawladaha daneeya arrimaha Soomaaliya ay la socdaan doorashooyinka socda ama soo socda; murashixiinta iyo ajandayaashooda.