Murashax Xildhibaan –  Prof. Shariif Sh. Cismaan

Prof. Shariif Sh. Cismaan, waa aqoonyahan muddo ku soo jiray waxbarashada, wuxuu waxbarashadiisii inteeda badan ku dhameeyay dalka, halka shahaadooyinkiisa Materka iyo PhD ku soo qaatay dalka Maraykanka.

 

Prof. Shariif wuxu haystaa shaadooyinka kala ah:-

  1. PhD in Cultural Studies
  2. Master of Post Conflict Development & Environmental Studies
  3. Master of Arts in Political Science
  4. Bachelor of Arts in Political Economy.

 

Soddonkii sano ee ugu dambeeyay wuxuu Barre ka ahaa qaar ka mid ah Jaamacadaha dalka Mareykanka, sidoo kale wuxuu Barre sare ka ahaa Jaamacadda Muqdisho ee magaalada Muqdisho.

 

Waa shaqsi leh aragti fog, hadafkiisuna yahay sidii dalkaan iyo dadkiisuba u soo ceshan lahaayeen sharaftii iyo magacii ay caalamka ku lahaayeen.

Wuxuu aaminsan yahay in xaaladda ay hadda Soomaaliya ku jirto aysan ahayn xaalad caadi ah, sidaas darteedna looga bixi karo dadaal iyo karti aan caadi lahayn, waana midda keentay inuu hal-ku-dhiggiisa Murashaxnimo ka dhigto  “xaaladaha aan caadidga ahayn, waxaa looga bixi karaa xeelado aan caadi ahayn”

Prof. Shariif wuxuu u sharaxan yahay kursiga xildhibaan ee tirsigiisu yahay HOP#071, deegaan doorashadiisuna tahay GalMudug.